Gudoomiyaha Gobolka Bari oo bixiyay sir Amni oo khatar ah

Shaahdoon Gudoomiyaha Gobolka Bari,waxuu bixiyay Sir amni oo ku saabsan argagixisada Bosaso lagu qab-qabtay.

Muuqaal,ayuu fududeeyay in laga duubo xubnaha argagixisada ee la hayay.

Muuqaalkaas,waxa uu udhiibay Ibraahim oo daawad siiyay Odoyaal Xubnahaas ehelkood iyo waaridiintood ah.

Sidoo kale Shaahdoon,waxuu udigay Xubno kale oo Ciidanku kusoo wajahnaa si ay usoo qabtaan,kuwaasoo fakaday.

Laamaha amaanku waxay heleen xogta Shaahdoon ee ah bixinta xogaha amni,waxayna toos ujoojiyeen wada shaqayntii kala dhaxaysay,iyagoo Madaxweynaha gaarsiiyay.

Madaxweyne Deni si adag ayuu usoo canaantay Gudoomiyaha Gobolka Bari,balse kuma filna canaan khaladka dhacay.

Shaahdoon waxuu qayb ka yahay Gudiga Amniga Gobolka Bari,taas,ayaana usahlaysa ogaanshaha xogta amni.

Jibril Qoobey.