Madaxweyne Xasan oo u anba baxay Dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan,ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia