Maxay tahay Gaashaanbuurta Bariga Dhexe laga dhisayo?

Maraykanka,ayaa udhisaya Yuhuuda Bariga Dhexe Quwad ilaalisa oo ku imaanaysa Gaashaanbuur.

Ujeedku waa in awooda Iran ee sii kordhaysa loo helo Quwad ubabac dhigi karta oo aysan Srael kali ku noqon loolankeeda.

Gaashaanbuur Milateri oo Jaal la noqon doonta Mid awooda badan ee Natto,ayaa laga yagleeli doonaa Bariga Dhexe.

Maraykanka,ayaa qorshahan soo abaabulay,waxaana heshiiska rasmiga ah ka dhici doonaa Caasimada Sacuudiga ee Jiddah,iyadoo uu goob joog ka noqon doono Madaxweynaha Maraykanka,balse isla Shirkaas laguma shaacin doono heshiiskaas.

Wadamada Gaashaanbuurtaas xubinta ka noqon doona,waxaa ka mid ah..

Srael,Masar, Urdun, Imaaraadka, Baxreyn,Moroko,Sacuudi-Carabiya, Cummaan, Qadar iyo Kuweyt

Dalalka Carbeed ku faraxsan ka mid noqoshada Gaashaanbuur Milateri oo ay la dhistaan Srael,ayaa ubadan kuwa Sunniyiinta ah,waxayna khatar u arkaan awooda sii kordhaysa Shiicada Bariga Dhexe ee ay Iran hogaaminayso.

Jibril Qoobey.