Nin Hubaysan oo Dad ku laayay xarun laga Dukaamaysto

Niman Hubaysan,ayaa Xabad ka dhex bilaabay mid ka mid ah Moolasha ugu weyn Caasimada Denmark ee Kobenhegen.

Dhimasho iyo Dhaawac,ayaa ka dhashay weerarkaas oo gaaraya ilaa 10-Qof oo dhimasho ah iyo dhaawac ilaa 35 gaaraya,sida warar hordhaca sheegayaan.

Ciidamada Booliska,ayaa si dhakhso ah u hawlgalay soona afjaray weerarka.

Majirto ilaa iyo hada Somali la xaqiijiyay in ay ku dhimatay ama ku dhaawacantay weerarkii ka dhacay Moolka caanka ah ee Fiis Kobenhegen Denmark Goor dhawayd.

Booliska oo si deg-deg ah usoo gurmaday,ayaa gacanta ku dhigay Nin Dadka laynayay.

Booliska Denmark shaqo aad usaraysa ayay ku qabteen mudo kooban xaqiiqdii.

Jibril Qoobey.