Ninkii la sheegay Bosaso lagu Afduubtay oo lagu qabtay Laascaanood

Xaqiiqda Kiiskiisa waa in Lacag ku luntay oo uu qorshaha Afduubkiisa isagu samaystay

Xalay Alxamdulilaahi,ayuu soo maray oo Antennada Taleefoonkiisa lagu arkay.

Kadib Qardho,ayaa la wargeliyay oo heegan gashay,balse nasiibdaro laguma guulaysan in lagu qabto.

Duleedka Garowe,ayaa saakay Aalasay hadana lagu arkay Anteenada Taleefoonkiisa,waase ka leexday.

Nasiib wanaag Laascaanood,ayuu galay oo lagu qabtay Maanta.

Booliska Laascaanood,ayaa ku wareejiyay kuwa Buuhoodle,waxaana lagu wareejin doonaa kuwa Kilinka Shanaad.

Booliska Puntland iyo kan Kilinka Shanaad si dhow ayay uga wada shaqeeyeen kiiska Ninkan.

Maamulka Doollo,ayaana qaban doona Shir jaraa’id oo ay uga waramayaan xaqiiqda kiiskiisa.

Balse majirto cid Afduubatay si buuxda,ayaa loo xaqiijiyay.

Jibril Qoobey.