Xasan Shiikh oo dabacsanaan aan horay loogu aqoon umuujiyay qadiyada Somaliland

Ka dib markii la doortey Madaxweyne Xassan Shiikh,ayuu Tel. kula hadlay Madaxweyne Muuse Biixi isaga o uga mahad celiyay taageeradii lama ilaawanka ahayd ee ay siiyeen Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland,waxuu ku yiri..”Waad ku mahasan tahay hiilkagii Madaxweyne”

Isagoo hadalka sii wata Xasan Sh.,ayuu yiri,“Xildhibaan Fawsiya,ayaa insha’alaah Arimaha Somaliya iyo Somaliland igala talineysa Madaxweyne”.

Muuse Biixi oo kaga dhadhansan karay codkiisa is fahan iyo farxad tira badan,ayaa ku yiri, Madaxweyne Xasan”Madaxweyne waanu wada xariirin Insha’alaah!!

Inkastoo loo baahan yahay isfahan Somaliyed hadana waa muhiim in loo toog hayo wada xaajoodkaas xasaasiga ah ee Fowsiyo la taliyaha ka tahay iyo niyad wanaaga xoogan ee uu muujiyay Madaxweyne Xasan.

Ra’isalwasaare Xamse,waxaa saaran masuuliyad gaar ah,maadaama qadiyadaas ay taabanayso Deegaamada uu ku matalo awood qaybsiga.

Jibril Qoobey.