Baarlamaanka Puntland oo Codka kalsoonida udiiday Xubnihii Maxkamada sare

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 14-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 43 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 23 Xildhibaan, Diidmo 11, Aamus 9 xubnood, waxayna codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 xubnood markii ay Oggol ugu codeeyaan.

Xubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee DPL ee codka Kalsoonida Golaha Wakiillada DPL waayay ayaa kal ahaa;

  1. Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Guddoomiyaha Maxkamadda Sare DPL ee magacownaa
  2. Nuur Ciiise Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare DPL ee magacownaa
  3. Axmed-haadi Aadan Yuusf, Garsoore Maxkamadda DPL ee magacownaa
  4. Cabdiqani Diiriye Cawl, Garsoore Maxkamadda Sare DPL ee magacownaa
  5. Cabdinaasir Cabdullaahi Cali, Garsoore Maxkamadda Sare DPL ee magacownaa
  6. Maxamuud Aadan Cabdulle, Xubin Keydka Garsoorka Maxkamadda sare DPL ee magacownaa
  7. Cabdishaafi Axmed Cali, Xubin Keydka Garsoorka Maxkamadda sare DPL ee magacownaa
  8. Daahir Maxamed Nuur, Xubin Guddi Maxkamadda sare DPL ee magacownaa
  9. Xasan Cabdi Cilmi, Xubin Guddi Maxkamadda sare DPL ee magacownaa

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland