Baarlamaanka Puntland oo lagu amaanay kalsooni udiidida Maxkamada sare

Nuur Ciise waa Masuulkii,isagoo Maxkamada jooga markii lagu helay danbiyo ubaxsaday Galmudug lana cararay Gaarigii Maxkamada oo ka iibsaday isla Galmudug xiligii Madaxweyne Faroole.

Ina Taaraan waa jariif Sharci oo caan ku ah iibsashada Maxaabiista iyo musuqa Garsoorka.

Xaqiiqdii ceeb,foolxumayn Garsoor iyo Caayid nidaam ayay ku tahay in Bulshada reer Puntland laga soo dhex xusho Labadaa Nin.

Madaxweyne Deni waa ku ceeboobay markale in uu soo cesho Labadaas Nin,waxaana muuqata in uusan danaynayn Garsoor nadiif ah iyo cadaalad.

Baarlamaanka Puntland in ay udiidaan xasaanada,waa ku amaanan yihiin,waxaana Bulshadu usoo jeedinaysaa in aysan dib u aqbalin kalsooni siinta,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka