Xasan Shiikh iyo Deni oo ku kulmaya Nayrobi

Faroole in ay ka codsadeen dhexdhexaadin Odaytinimo Damjadiid oo uu ku gacansayray ayay wararku sheegayeen maalmahan.

Sidoo kale Deni in uu Taleefoonada Xasan ka qaban waayay oo fariimo uu dhibsaday usoo faray Rag kale ayay wararku sheegayaan.

Si kastooy tahay Deni socdaalkiisa la sheegayo in ay Nayrobi ku kulmayaan Xasan Shiikh haduu yahay mid danihiisa gaarka ah ku salaysan macno maleh.

Hadiise uu ka duulayo danaha Puntland waa maqaam sare oo macno leh.

Puntland,waxay ka rabtaa Fadaraalka marka laga soo tago arimaha masiiriga ah ee ubaahan dhamaystirka.

1.In Qalabka,Gaadiidka,Rasaasta iyo dhaqaalaha Ciidanka Somaliyed loogu deeqay ay hesho qaybteeda.

2.In Mashaariicda Waxbarasho ee kaga xiran Fadaraalka la fasaxo si buuxda.

3.In Mashaariicaha kala duwan ee Fadaraalku qaybta ka yihiin deg-deg iyagana loo fasaxo.

4.Puntland in ay hesho Kabka Miisaaniyada.

Deni haduu ufakaro si Puntlandnimo ah waa hogaamiye,hadiise uu baadigoobayo dhaqaalihii ka baxay soo celintiisa waa faashil.

Jibril Qoobey.