Baarlamaanka Puntland ma aqbali doonaan Maxkamade Sare Ee lagu soo ceshay?

Hadii Baarlamaanku kalsooni siiyaan Taaraan iyo Nuur-kii ay udiideen kalsoonida markale,taasi waxay hoosta ka xariiqaysaa in uu jiro warka sheegaya Digreetada Labaad ee Madaxweynuhu kusoo ceshay in ay la socoto xaqul Ciidkii.

Hadiise ay ku adkaystaan oo ay mari waydo Digreetadu markale Baarlamaanku,waxuu noqday Wakiilo shacab oo rasmi ah.

Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay Deni muxuu ugu dhagan yahay Taaraan iyo Nuur?

Ma waxay ka tahay macangagnimadiisii iyo uslaweynidiisii uu ku ceeboobi jiray oo waxuu diidan yahay Wareegto kasoo baxday in lagu soo cesho?

Mise,waxaa uqorshaysan mudo kororsi oo Labadaa Nin Shahaado Suur buu ka rabaa?

Taaraan iyo Nuur oo cadaalada Puntland loo gacan galiyay,waxay la mid tahay Dhurwaa Xoolo ilaalo looga dhigay.

Jibril Qoobey.