Maxay tahay ujeedka Ergada Xamar uu udiray Mustafe Cagjar?

Madaxweynaha degaanka Somalida Mustafe Cumar ayaa markale ergo ubadan qurbajoog uu qandaraas layaal ka dhigay 4tii sano ee lasoo dhaafay udirey magaalada Muqdisho. Ergada ayaa ku socda magaca beel kamida beelaha degaanka oo sida uu sheegto ay Jeegaan isku yihiin, kana dhaxeeyo beeshiisa Isbahaysi siyaasadeed.

Ujeedka uu kooxdan usoo direy ayaa la sheegay inuu lamid yahay midkii ergoyinkii hore ee ahaa inuu dhimo saamaynta Madaxweynaha Jubbaland ku leeyahay federalka iyo in Jaadkii Ethiopia sii socdo.

Ergadan ayaa wada lacago lagu laalushayo siyaasiyiinta ree Muqdisho ee la aaminsan yahay inay saamayn ku leeyihiin Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamse.

Ma u suurtagli doontaa? Lama saadalin karo balse damaciisu maaha mid joogsanaya, inta uu joogana inuu siyaasada Somalia faraha kala baxo laga yaabana.

Madaxweyne Mustafe ayaa xiriir qoro dheer la lahaa kooxdii meesha laga saaray ee N&N asagoo dhaqaalo badan ku bixiyey sidii Dib loogu dooran lahaa, hagardaamoyin badana udhigay cid kasta oo kasoo horjeeda, waxuuna lahaa fikirkii fashilmay ee Ciidamada Komandasta Ethiopia kismaayo loogu direy si ay usoo qabtaan Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Islaam.

Sawirku waa eraga Madaxweynaha diray iyo safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia oo ay isku heyb yihiin oo qaabilay.

WQ.Abdirashiid Ali Shu’aa