Turkiga oo noqday Dalka sida weyn uga faa’iday dagaalka Ukrain

Shirkii Xulafada Nato ku Yeesheen Magaalada Mardrid,Hogaamiye Kasta wuxuu halkaas la tegay qorshayaal u gaar ah iyo guud,Lknse Erdogan ayaa ah Hogaamiyaha keliya oo isagoo guulaystay dib ugu laabtay Dalkiisii sida uu qoray Wargeyska the Economist.

Madaxweyne Erdogan ayaa si fiican uga faa’iidaystay Dagaalka Yukreyn,xitaa wuxuu la yimid shuruudo badan oo aanuu xitaa u baahnayn si uu u wada helo waxyaabihii uu doonayey kuligood dhinaca siyaasadda, socdaalkiisii Madrid wuxuu ahaa mid wax ku ool ah oo cajiib ah .

isago weliba taageero ka helaya xubnaha ugu badan ee Nato,Sweden iyo Finland wuxuu ku Khasbay inay bedelaan mowqifyadoodii,Waxaana Madrid lagu gaaray heshiis turkigu ku ogolaaday in wadamada Sweden iyo Finland ay ku soo biiraan Xulafada Nato,hadii fuliyaan shuruudaha Turkiga .

Dowladda Sweden oo fulinaysa Shuruudihii turkiga ayaa markii ugu horaysey Dawladda turkiga ku wareejisey 4 ka mid ah 73 qof oo Argagixiso ah oo ay baadi goobayeen sirdoonka Turkigu,kuwaasoo ay horay magangelyo u siisay Sweden ,afartan ayaa ku eedaysan inay qaraxyo dad ku dhinteen ka fuliyeen gudaha turkiga.

Sidaas oo ay tahay madaxweyne erdogaan wax debac ah ma samayn, wuxuuna maanta sheegay in turkigu markale hor istaagi karo in Sweden iyo Finland ay kamid noqdaan Nato,wuxuuna yiri sidan .

” Sweden waxyar ayay ka fulisey wixii aanu ku heshiinay Shirkii Madrid,Sweden waxay nagu soo wareejisay afar Dambiile oo keliya ,waxaan ka sugaynaa tiro intaas ka badan oo dambiilyaal ah oo ay marti geliyeen,Heshiisku ma socon doono haddii aanuu baarlamaankeennu ansixin ,Baarlamaanka Turkigana waxaa la horgeyn karaa heshiiskaas marka Sweden iyo Finland ay soo wada dhamaystiraan qodobadii heshiiska, Laakiin haddii ay fulin waayaan heshiiska, dabcan ma jirto sabab aan u horgeyno baarlamaanka Turkiga .

Waa in dalalka soo codsaday xubinimada Nato ay aqbalaan shuruudeheenna oo ay sameeyaan ballanqaad qoraal ah, Haddii ay buuxiyaan shuruudahaasi, annaguna waan kasoo baxaynaa wixii aan balan qaadnay .”

Xigasho – Wargeyska The Economist

WQ.Abdirisak Jubba.