Video:-Xasan Shiikh oo ugu danbayn la kulmay Erdogan

Hoo udhigista lasoo wariyay in uu Madaxweynuhu kala kulmay Turkiga,waxay ku salaysan tahay sida Xanta Siyaasadeed sheegayso hal arin oo ah..

In uu Madaxweyne Xasan Turkiga mudnaanta ka siiyay Imaaraadka Carabta.

Turkigu,waxuu ahaa Dalkii ugu horeeyay ee casuumad rasmi ah ufidiyay Madaxweynaha isla markii la caleema saaray.

Xasan Shiikh horay,ayuu mudo xileedkiisii hore Turkiga ugu hiiliyay,isagoo markaas ka duulayay dano dhaqaale.

Garoonka iyo Dekeda,ayuu ka qaaday Shirkado Imaaraad lahaa,waxuuna ku wareejiyay kuwo Turki.

Haatan,waxaa muuqata in uu Imaaraadka danaynayo.

Ugu danbayn Qasriga Turkiga si maqaam sare leh,ayaa loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan.

Halkan ka daawo muuqaalka