Maxaa ku qarsoon Geed Quwaaxa Puntland Ee la dhoofinayo??

Ninka uxiran in uu dhoofinayay Dhirta Geed Quwaaxa ee Puntland ka baxda,waxaa jira qorshe uqarsoonaa oo uu ku qarinayay Dhoofinta Dhirta.

Liibaan Cali Food,waxuu ushaqaynayay kooxda argagixisada ah ee Daacish iyo Shabaab,waxuuna toos ugu xirnaa Maxamed Axmed Qaxiye oo ah dilaa khatar ah oo ugu yaraan ay Gacantiisa ay ku maqan tahay 67-Qof oo Somaliya in ka badan Boqol Qaraxna saamayn ku lahaa.

Qaxiye,waa Xubnaha ugu sareeya Shabaab oo heer caalami ah si hoosana gacan saar ula leh Daacish xubno ka mid ah oo ay Qoys wadaag yihiin.

Argagixisada waxuu ujooga Maxamed Axmed Qaxiye Xiriirka caalamiga ah,isagoo badalay Mahad Macallin xiligan.

Qaxiye,wuxuu isku xiraa Shabaabka Ugandha,Tansaaniya,Mosanbiik iyo Somaliya,waxuuna si qarsoodiya iskaga gooshaa Dalalkaas ilaa iyo hada.

Liibaan oo Ninkaas ka amar qaata,ayaa loosoo diray Puntland,si uu ufuliyo Laba qorshe oo kala ah..

1.Badalida Xubno Daacish ah oo ku sugan Somaliya oo loo badalayay Tansaniya iyo Mosanbiik.

2.Qorida Xubno cusub oo loo dirayay Isla Mosanbiik iyo Tansaaniya.

Liibaan qorshihiisii,waa ku guulaystay,waxuuna diray oo ka dhoofiyay Puntland,gaar ahaan garoonka diyaaradaha Caasimada ee Garowe 70-Xubnood.

Diyaarada Itoobiyaan Airlines,ayuu isticmaalay.

Waxaa la fududeeyay oo dhaafinayay Qaybta Baarista iyo socdaalka,isla markaana diyaarada hoosteeda gaynayay Dadkii uu dhoofinayay Liibaan Sadex Sarkaal oo kala ah..

1.Sarkaal ka tirsan Laanta socdaalka Garoonka oo Beel ahaan kasoo jeeda Beelaha dega Gobolka Nugaal.

2.Sarkaal ka tirsanaa CID Puntland oo kasoo jeeda Deegaamada Jubaland.

3.Talyihii hore ee Saldhiga Dhexe Garowe oo Liibaan Abti ugu Aadan.

La soco Qaybta danbe……..