Twitter oo hawada ka saaraya Akoonada been abuurka ah

Masuuliyiinta sarsare ee shirkadda Twitter-ka ayaa sheegay Khamiistii maanta ahayd in ay meesha ka saarayaan in ka badan 1 milyan oo ah akawno been abuur ah (spam accounts) maalin kasta.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, ka dib dhaleecayn xooggan oo uga timi maalqabeenka Elon Musk oo doonaya inuu si rasmi ah u dhamaystiro heshiiskiisa uu ku iibsanayo shirkadda Twitterka hase ahaatee wuxuu ka biyo diidsan yahay tirada akawnada been abuurka ah ee shirkadda u diiwaan gashan, wuxuuna doonayaa in tiradaas wax laga qabto.

Elon Musk oo ku cadaadinaya maamulka sare ee shabakadda Twitterka inay Meesha ka saaraan akawanada been abuurka ah, ayaa ku hanjabay inuu hakinayo inuu dhamaystiro heshiiska iibka ee ku kacaya illaa $44 billion oo dollar haddii aan loo dhego nuglaan dalabkiisa.

Shirkadda Twitterka ayaa ku doodaysa in akawnada been abuurka ahi inay ka yar yihiin illaa 5%, hase ahaatee Elon Musk ayaan ku qancin tirokoobkaas isaga oo u arka inay tahay mid aan xaqiiqo ku fadhiyin.

Shirkadda Twitterka,ayaa sheegta inay shaqaale tiro badan u kirayso sannadwalba inay kala hufaan akawnada shirkadda si loola dagaalamo akawnada loo samaysto sida been abuurka ah.