Ninkii dilay RW-hore Ee Japan oo ka hadlay sababta….

Booliska baaraya dilka Raysul Wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe, ayaa sheegay in ninka loo qabtay falkaas uu ciil u qabay “urur gaar ah”.

Ninka oo ah 41 jir magaciisa lagu sheegay Tetsuya Yamagami, ayaa rumaysnaa in Abe uu ka tirsanaa ururka uu ciilka u qabay, taasina ay ku dhalisay inuu toogto.

Lama shaacin magaca ururkaas.

Abe ayaa ku geeriyooday cisbitaal loola cararay kadib markii ay rasaastu haleeshay xilli uu ku jiray olole siyaasadeed.

Booliska ayaa sheegay in Tetsuya Yamagami uu qirtay dilka Raysu Wasaaraha hore oo uu u adeegsaday qori tumaali ah.

Shinzo Abe ayaa noqday Raysul Wasaarihii ugu mudada dheeraa ee dalkaas ka taliya, waxaana dilkiisa uu argagax ku riday Japan oo aanay inta badan ka dhicin weerarrada hubka loo adeegsado.

Rasul Wasaaraha hadda xilka haya ee Japan, Fumio Kishida, ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida Abe, waxaana uu wacad ku maray in dimuqraadiyadda dalkiisa “aan lagu cabsi gelin doonin rabshad”.

Booliska ayaa weli baaraya in ninka uu keligii falkaa geystay iyo sababta keentay in Abe si gaar ah loogu beegsado.