Qaybtii 2-aad ee Maxaa ku qarsoon Geed Quwaaxa??!

Weli,waxaa iska soo daba dhacaya xogaha laga helayo qorshihii qarsoonaa ee Liibaan Cali Food uu ka waday Puntland.

Liibaan waa Ninka Garowe kasoo dhoofiyay ugu badnaan 70-Xubnood oo argagixisada ka mid ah,isagoo gacan ka helaya Saraakiil ka tirsan Booliska iyo socdaalka Puntland.

Axmed Cagjar

Axmed Cagjar oo qaabilsanaa markay Dadku ka degaan Mosanbiik,ayaa lagu qabtay Todobaad ka hor isaga iyo 6-Qof oo kale isla Mosanbiik.

Dhamaan Dadka lagu qabtay Mosanbiik,waxay ka mid ahaayeen Dadkii horay Liibaan uga soo dhoofshay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe.

Xiliga la qabanayo Cagjar iyo 6-da Qof ee kale waxay ku hawlanaayeen hawlgal argagixiso oo ay ka fulin lahaayeen Dalkaas.

Axmed Cagjar iyo 6-da Qof ee la qabtay Maxkamad,ayaa lasoo taagay wayna qirteen danbigooda,waxayna cadeeyeen in Garowe uu joogo Liibaan oo ay isku xiran yihiin.

Axmed Cagjar,waa Gacanyaraha Maxamed Axmed Qaxiye oo ah Madaxa xiriirka caalamiga ah ee Shabaab,gacansaarna la leh Daacish,isla markaana si hoose ula shaqeeya xubno Qoyskiisa ah oo ka tirsan Daacishta Puntland.

Sidoo kale Qaxiye,waa Ninka uu hoostago Liibaan Cali Food oo hada Garowe ugu xiran danbi dhoofin Dhireed ah.