Qaybtii Sadexaad Maxaa Geed Quwaaxa ku qarsoon??!

Waa kuma Axmed Cagjar??!

Qaybtii Sadexaad Maxaa Quwaaxa ku qarsoon??!

Axmed Cagjar,waxuu kasoo Jeeda Beesha Dhulbahante wuxuu gacan yare u yahay Maxamed Axmed Qaxiye.

Axmed Cagjar

Shaqada uu uqaabilsanaa argagixisada Axmed Cagjar,ayaa ah markii Dadka laga soo dhoofiyo Garowe oo ay soo caga dhigtaan Mosanbiik iyo Tansaaniya in uu ufududeeyo meelahii ay dagi lahaayeen kuna xiro cidii ku wareejin laheyd Kooxda Alshabaab ee ka howlgasha Dalalkaas.

Nin kale oo Dalka Kenya laga baadigoobayo laguna magacaabo Abkoow ayay wada hawlgalayeen Axmed Cagjar.

Dhawaan,ayaa la xiray Axmed Cagjar iyo Lix kale Maxkamadna waa la saaray,waxuuna cadeeyay Liibaan in uu joogo Garowe oo Dadkaas isagu ka soo dhoofiyay.

Kooxaha argagixisada ah,ayay ku adkaatay in ay isticmaalaan Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade oo ay horay u adeegsan jireen,waxaana aad loo adkeeyay baaridiisa.

Shabakada Garoonka Diyaaradaha Maxamed Abshir ee Garowe,waxaa abuuray horjoogana u ah Sarkaal kasoo jeeda Beesha Ciise Maxamuud reer Yoonis.

Jibril Qoobey