Xasan Shiikh ma uga faa’idaysan karaa Ciidanka Eretereya dano gaar ah!!

Ciidamada Eretereya laguma diyaarin oo laguma qaybsan,lagumana tababarin qorshihii “New Deal” iyo heshiiskii Amniga.

Shalay,waxaa laga wal-walsanaa in Ciidankaas yahay mid si gaar ah loo diyaarsaday oo kaligii talye curdin ah uu awood ku samaysanayo.

Maanta,waxaa muhiim ah in loo toog hayo Ciidankaas,waxii ka badbaaday dagaalkii Eretereya sida ay uhawlgalayaan,meesha ay ka hawlgalayaan iyo sida loo waafajinayo heshiiskii Amniga.

Wararka la helayo,ayaa sheegaya in Ciidankaas oo markii hore loo tababaray la hawlgalida Nisa hada loo badalayo Milateri caadiya oo furimaha ka hawlgala.

Puntland waxaa laga rabaa in ay isha ku hayso kulana xisaabtanto Dowlada Fadaraalka ah,maadaama Askarta kasoo jeeda Puntland ee qaybta ka ah Ciidankaas aysan ka badnayn 50-100.

Sidoo kale Jubaland khatar gaar ah ayay ku noqon karaan hadii laga hawlgaliyo dhulkeeda,iyadoo la leeyahay waxay ka sifaynayaan Alshabaab gaar ahaan Jubada Dhexe.

Xasan Shiikh waa uga faa’idaysan karaa Ciidankaas dano gaar ah!!

Jibril Qoobey.