Faahfaahin Sida ay wax uga dhaceen Bosaso

Sacdiyo Salaad,waxaa Sadex Diyaaradood udiyaarisay Khadiijo Diiriye oo ka rabta garab si ay Wasiir uga hesho Golaha Wasiirada cusub.

Sacdiyo oo wadata qorshe,ayaa Sadexda Diyaaradood ukala qaybsatay Gaalkacyo,Garowe iyo Bosaso.

Diyaarad walba,waxaa saaran xoogaa Deeq ah oo gaaraysa 3500 oo dolar,waxaana lagu kireeyaa calaa diyaarad halkii duulimaad 15000 oo dolar.

Diyaaradii ugu horaysay,waxay kasoo dajisay,iyadoon cidna ogayn Garowe,kadib Dowlada Puntland waxay garoonka ugu dirtay Wasiir ku xigeenkii Gargaarka oo soo dhaweeyay kalana wareegay Deeqda.

Shirkii Golaha Wasiirada Puntland,ayaa looga dooday Diyaarada Sacdiyo la timid iyo kuwa kale ee xogtooda la helay,waxaana la go’aamiyay in aysan diyaarad danbe oo iska socota PL loo ogolaan,waxii deeq ah ee ka imaanaya dhanka Fadaraalkana ay kawada xiriiraan labada Maamul.

Saakay,ayaa markale lagu waabariistay Diyaarad Hawada Bosaso ku jirta oo la leeyahay,waxaa saaran Sacdiyo Salaad iyo Kartoono ay wado.

Waxaa ku xigay Ciidan PSF ah oo soo jiiray Bartii Kayntarool ee garoonka diyaaradaha Bosaso gudahana soo galay.

Ciidamada amaanka,ayaa ka hawlgalay,waxayna ka saareen garoonka Ciidamadii PSF ee soo duulay,waxayna sugeen amnigii garoonka.

Diyaaradii siday Kartoonada iyo Sacdiyo oo dul heehaabaysa garoonka,ayaa waxaa amar soo bixiyay Madaxweyne xigeenka kadib markii Duuliyaha diyaaradu ku cawday in uusan haysan Shidaal ku filan,sidaa ayaana loosoo dajiyay loona siiyay Shidaal,iyadoon Kartoon laga dajin Dadkii saarnaana Qof ka degin dibna oogu ceshay Muqdisho.

Dowladnimadu xoog ma’ahan ee waa is ogol iyo ilaalin Sharci.

Sacdiyo xadgudub nidaam oo weyn ayay ku kacday.

Jibril Qoobey.