Baaqa PSF Ee dareenka Bulshada Puntland

PSF gadaal udaga Kun jeer!!

Qof walba oo reer Puntland Subixii markuu kaco,waxaa ugu horeeya ee wal-wal ku haya waa Bosaso,taasna waxaa keenaya awoodaha isdiidan ee wada jooga.

Ciidan awoodaa leh oo Kumaandoos ah in lagu dhex hayo Magaalo ay ku nool yihiin Dumar iyo Caruur,Ganacsi xoog badana ka socdo waa khatar.

Markale gadaal udaga utura Bulshada udamqada magaca iyo maqaamka Dhulkan iyo Dadkan.

Xasuusnaada in aad wax ku noqoteen jiritaanka nidaamka Puntland.

Shalay,waxii dhacay looma sina eedeeda boqolkiiba boqol PSF,ayaa leh.

Waxaa ka horeeyay Wado la dhisayo Geed ku xirmay oo aad khatar ku geliseen isku dhac weyn in uu isku badalo.

Waxaa kasii horeeyay Xabadihii ka dhacay Xeebta ee Geerida sababay.

Waxii hada ka danbeeya lama fahmi karo hadafkiina iyo ujeedada aad ka duulaysaan.

Shalay waa naqaanay waxa ay utaagan tahay calaamada PSF.

Saakay maxay utaagan tahay?

Berise maxay ku danbayn?

Dalka iyo Dadka aan badbaadsano.

Jibril Qoobey.