Burhaan Dio Mio”Sacdiyo Salaad waa in Gudoonka Baarlamaanka talaabo ka qaadaa”

Boosaaso:

  1. Dhibkii dhacay waa mid xanuun badan oo u baahan in laga gun gaaro ciddii falkaas ka dambeysay
  2. Puntland waxay leedahay Dowlad loo doortay Maamulkeeda iyo Amnigeeda oo ay tahay masuuliyadaas in lagula xisaabtamo
  3. Waxaa ceeb ah in macaawino loo adeegsado in Dadka iyo Dowladda la isku dhufto.
  4. Wixii xiriir ah noocuu doono ha ahaado waa in Dowladda Puntland hay’adaheeda kala duwan loo maraa
  5. Madaxweyne Deni waxaan uga fadhinaa inuu wax ka qabto wixii dhacay sida ugu dhaqso badan
  6. Gudoomiyaha Baarlamanka Dowladda Federaalka waa inuu ku-xigeenkiisa Sacdiya talaabo ka qaadaa gacan dhaafka iyo doc faruurka ay waddo oo isku dhufanaya Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ee curdunka ah.

Caqligu ha shaqeeyo!