Dadkii ka danbeeyay iyo kuwii fuliyay dilkii Nabadoon C.Waloore oo la qabtay

Ciidamada amaanku waxay gacanta ku dhigeen Dadkii ka danbeeyay iyo kuwii fuliyay Dilkii Nabadoon Cabdiqani Walloore.

Cabdiqani rabi ha’unaxariisto,waxuu ka mid ahaa Naboodanada Gobolka Mudug ugu miisaanka culus dhawaan,ayaana toogadho loogu dilay gudaha Gaalkacyo.

Horay,waxaa Aabihii oo Nabadoon weyn ahaa udilay argagixisada,sidoo kalena waxay dhaawaceen Walaalkiis.

Qabashada Dadkii dilay Nabadoon Cabdiqani waxay ka dhigan tahay guul amni oo Gobolka iyo guud ahaan Puntland ay gaareen,waxayna kalsooni gelinaysaa Shacabka.

Laamaha amaanka Gobolka Mudug waxay utahay sharaf iyo shaqo gudasho saraysa.

Jibril Qoobey.