Fariin iyo talo soo jeedin ku socota Dhaqanka Puntland

Puntland waxay kusoo Caano maashay Gudoon Dhaqan oo markay ribato loo baxsado.

Waxaa muuqata in Dhaqankii si weyn ugu milmay Siyaasada iyo dhaqaalo raadinta.

Taasi Bulshada dhabarjab ayay ku tahay oo waxaa meesha ka baxaya halkii loo laaban jiray.

Waxa ugu weyn ee Dhaqanku ku hubaysnaa waa Ducada iyo Habaarkooda oo laga gaban jiray,taasina waxay ku imaan jirtay Xalaal Cunkooda.

Dhaqan ku nool Lacag Siyaasadeed ishaaradiisa,ilaacadiisa iyo Tuftiisu midna kici mayso.

Dhaqanoow dib udaga oo karaamadiinii badbaadsada Umadana wax ureeba.

Jibril Qoobey.