Fariin ku socota Madaxweyne Deni

Madaxweyne Siyaasadaada fur-fur oo wax ka badal hogaamintaada.

Sanad iyo barka kuu haray nabadoonimo dabacsanaan iyo isu soo jiid ku hogaami Puntland.

Jooji ad-adayga faraha badan oo xasuuso in Dadkan gacan dabacsan lagu wado inta badan.

Beeluhu waa Hubaysan yihiin,waxaana si fudud uga faa’idaysan kara Siyaasiyiin xanaaqsan.

M.xigeenkaagii kuguma faraxsana la shaqayntaada.

Baarlamaankii kuguma faraxsana la shaqayntaada.

Wasiiradadii in badan niyad jab ayay kugula joogaan.

Dhaqankii iyo haldoorkii kale mahaysid oo waa kala irdhowdeen.

Madaxweyne albaabadaada fur oo ka dhabee hadalkii aad horay utiri ee ahaa “Xalay dhalay”.

Jibril Qoobey.