Bosaaso Buskud iyo Belaayo uma Baahna Ee aynu dhaxalkeena wada ilaashano!

Jigjiga:Bosaaso waa hoygii xadaarada waa dal-udug(Puntland) oo ah magacii degaankaas loogu yeri jiray xilligii Faraacinta,waa xaruntii Boqrtooyada Qowmiyadda Daarood ee Geeska Afrika.


Shirkii Roma 1912 ee labada dal ee Talyaaniga & Ingiriiska ayey cadowga ku heshiiyeen in si wadajir loola dagaalamo Daraawiish,kaddibna la gummeeyo Qowmiyadda Daarood.

1920 jabkii Daraawiish kaddib wuxuu gumeystihii Ingiriiska xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamuud Cali Shire wuxuuna gebi ahaanba joojiyey ganacsigii badda ee xeebaha Maakhir.

Waxaa xigtay inuu Talyaanigu weerar xagga badda ah ku soo qaaday marsada Qaw ilaa iyo marsada Eyl wuxuuna gubay 37 marso,gebi ahaana ganacsigii badda ayuu ka xiray.

Weeraro iska caabin ah oo muddo socday dhiig badanna ku daatay ayaa ugu damdeyn lagu soo qabtay Boqor Cusmaan Maxamuud waxaana laga daba geeyey Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid oo Muqdisho xabsi dowlo ku ahaa.

Puntland dagaalki Labaad kaddib noloshii iyo ganacsigii dib ayey u soo noqdeen oo marsooyinkii ayaa dib u furmay.

Maarso 1970kii wareegto ka soo baxday Xafiiska Jaalle Siyaad Barre ayaa lagu xannibay dekedihii iyo marsooyinkii dalka,waxaana la hoosgeeyey dekedda Berbera.

Nasiib wanaag xukuumaddii Kacaanka ayaa ugu dambeyn Bosaaso ka hirgelisay deked yar iyo waddada Garoowe & Bosaaso.

Burburkii dowladdii dhexe ee Kacaanka Bosaaso waxaa ku habsaday Al-itixaad oo uu hoggaaminayo Xasan Daahir Aweeys oo gurmad ka helay SNM,dagaal dhiig badan ku daatay kaddib Bosaaso waa laga saaray oo maanta degaanka Galgala ayey baaqi ku yihiin.

Horeybaa loo yiri wixii aad ilowdaba sow nin xun kuma ogeysiiyo,Shirkii Carta oo aheyd naqshaddii Maxamad Ibraahim Cigaal iyo hirgelintii Ismaaciil Cumar Geelle ayaanu dhaxalkeena Bosaaso & Puntland ku helnay.

Puntland maanta wey ka ballaarantahay oo ka baaxad weyntahay bedka ay ku fadhido,dekedda Bosaaso waxey foolatay dekedda casriga ah ee Garacad oo mustaqbalka dhow u adeegi doonto guud ahaan DDS,Oromiya,Shucuubta Koonfureed,Gambeella iyo Koonfur Sudaan.

Waxaa in muddo ahba Maamulka Muqdisho uu ku howlanaa inuu dayaarad ku gaarsiiyo gargaar degaano ay Shabaab go´doomiyeen sida Xuddur,Doolow,Puntland wey ka duwantahay degaanadaas oo dowlad baa ka talisa,leh garoomo dayaaradeed iyo dekedda Bosaaso oo adeeg siisa ilaa iyo Beled-weyn,degaanku ma aha go´doon.


Dayaaradaha Imaraadka ee Muqdisho gargaarka geeya waxey dulmaraan Bosaaso,haddaba bal hal dayaarad oo 50 metric tons sida ha laga dejiyo Bosaaso,ma aha in dayaarad Local ah oo 3 metric ton oo gargaar ah sida bilaa ruqsad laga dejiyo Bosaaso.

Dayaaradda 3 ton sida waxaa lagu kireeyey 30,000 US Dollar, 3 ton waa 3000 kg x 10 US Dollar = 30,000 Dollar waa naas nuujin loo sameeyay ganacsatada Muqdisho.
waxaa nasiib darro ah ciidamadii PSF ee la dagaalanka argagixisada ee la rabay iney Galgala ka saaraan haraadigii ciidamadii Daahir Aweys iyo SNM ayaa garoonka Bosaaso dagaal ka riday waa kaaf iyo kala dheeri.

Dowladda Puntland waa iney war cad ka soo saarto dhibtii dhacday iyo ciddii ku xadgudubtay sharciga iyo kala dambeynta degaanka tallaabo cadna ka qaadaa,ma aha iney ka aamusto.

Dowladda Puntland waa iney caalamka u bandhigtaa baahida dhabta ah ee degaanka oo qiyaastii lagu sheegay 50,000 metric tons bishii,sidaasoo kale waa iney u bandhigtaa beesha caalamka in dekedda Bosaaso laga soo dejiyo gargaarka Galmudug iyo Hirshabeelle.

Maamulka Muqdisho ha loo sheego dalka inuu yahay Federaal haddeyy diidanaa ha loogu dhaarto.

Ugu dambeyn Bosaaso Buskud iyo Belaayo uma Baahna ee aynu dhaxalkeena wada ilaashano.

QAMMAAN JIGJIGA ETHIOPIA