Sacdiyo Salaad in lasoo Gole joojiyo ayay mudan tahay

Xildhibaanada iyo Seneterada kasoo jeeda Puntland,waxaa laga rabaa in ay laba Qodob ku dhaqaaqaan si deg-deg ah..

1.In ay Tacsi ka diraan,iyagoo isku duuban dhimashadii iyo dhaawacii shaqaaqadii Garoonka Bosaso.

2.In ay soo gole joojiyaan oo ay diyaariyaan Mooshinka lagula xisaabtamayo Gudoomiye xigeenka Golaha Shacabka Sacdiyo Salaad.

Khasaaraha dhacay ee ay Sacdiyo sababtay ma’ahan mid ay ku filan tahay Aamus iyo Tacsi.

Hadaan deg-deg loo helin isla xisaabtan masuuliyadeed oo loo maro hab Dowliya,waxaa imaan kara Aarsi Beeleed oo khatartiisa leh.

Sacdiyo waa in ay heshaa cawaaqibka waxii ay Bosaso ka samaysay.

Dhiiga Dadka reer Puntland ma’ahan ismuujin Siyaasadeed wax lagu samayn karo!

Jibril Qoobey.