Video:-Dowlada Puntland oo qabatay Shirweyne Abaarta kuna shubtay Santuuqa 1-$Milyan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha gurmadka Abaaraha oo ah Shir loogu qareemayo looguna gurmanayo dadka ay Abaartu saameysay.

Madaxweynaha oo muujiyay sida Dowladdu ula damqanayso Bulshadeeda ayna muhiimad u siinayso ka jawaabista xaaladda ka dhalatay Abaarta, ayaa Kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu $1Million ku shubayso sanduuqa Gurmadka Abaaraha ee Puntland si loogu billaabo caawimaada dadka Abaartu saameysay, Wuxuuna Madaxweynuhu ku baaqay in laga wada qeyb qaato Gurmadka.

Guddiga Abaaraha u qaabilsan Dowladda oo kaashanaya Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee Puntland iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso ayaa
Shirweynaha gurmadka Abaaraha kusoo bandhigay warbixino ka hadlaya heerka ay marayso xaaladda ka dhalatay Abaarta ka jirta Puntland iyo qorsheyaasha sida loo caawin karo dadka.

Madaxweynaha waxaa Shirweynaha kala qeybgalaya Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Guddiga Abaaraha Puntland, Wasaaradda Gargaarka iyo maaareynta masiibooyinka ee Puntland, Goleyaasha Dowladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland .

Halkan ka daawo muuqaalka

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.