Hawlgalo lagu qabqabanayo Wasiiro musuq lagu Eedeeyay oo ka socda Adis-ababa

Addisababa shaqo fiican baa ka socota,waxaa jeelasha buux dhaafiyay xubno sar sare oo Dowlada federaalka ah oo boob hantiyeed lagu helay waxuuna hawl galku soconayaa ilaa waagu ka baryo.

Hal Wasiir oo kaliya,ayaa lagu hayaa lunsasho Hantiyeed oo gaaraysa 20-Milyan oo dolar,waxuuna ku jiraa Madaxda la qabqabtay.

Waxaa qorshuhu yahay in marka heer Fadaraal la nadiifiyo loosoo dhaadhaco heer Deegaameed.

Mustafe Cagjar waa Ninka ay saaran tahay Seefta la xisaabtanka ee heer Deegaan waxaana lagu hayaa lunsasho aan caadi ahayn oo uu ku sameeyay miisaaniyada Deegaanka.