Wasaarada Arimaha Gudaha Puntlabd oo kulan la qaadatay wefti Yurubiyaan ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Safaaradaha Switzerland iyo Sweden ee Nairobi.

Wasiirka waxaa shirka ku wehelinaysay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Xaliimasacdiya Cabdullaahi Maxamed.

Shirka waxaa looga wada hadlay xoojinta dhaqaalaha loogu talo galay barnaamijyada Dimuqraadiyeynta iyo horumarinta Degmooyinka Puntland.

Waxaa si gaar ah looga wada hadlay dhammeystirka geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Degmooyinka Puntland ee hal cod iyo hal qof iyo qorshaha Wasaaradda ee abuurista santuukha loo dhanyahay ee horumarinta Degmooyinka Puntland oo Wasaaraddu ku hawl jirto in la hawl galiyo horaanta sanadka 2023.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa masuuliyiinta waftiga ku booriyey in ay sii wadaan dhaqaalaha doorashooyinka iyo barnaamijka horumarinta Degmooyinka Puntland.

Dhammaad.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.