Wefti ka socda Sweden iyo Switzerland oo kulan la leh W.Maaliyada PL

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna sii haya Xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Mas’uuliyiin ka socday Safaaradaha Switzerland iyo Sweden.

Wasiirka waxaa kulan ku weheliyey ku simaha Agaasimaha Guud ,Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha Furdooyinka, saraakiil ka socday mashaariicda DRM/PFM iyo JPLG.

Booqashadan ayaa salka ku haysay sidii ay wax uga ogaan la haayeen mashaariicda ay Puntland ka fuliyaan, habka ay u socdaan iyo daah furnaanta shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaarada ayaa Mas’uuliyiintan u soo bandhigay in ay Puntland hormarro balaaran ka gaartay, gaar ahaan bixinta adeegyada assaasiga, hormarinta dhismaha Wadooyinka, Mashaariicda JPLG taasoo ah cashuurtii bulshadda laga qaaday oo dib loogu celiyay si loo tuso bulshadda waxqabadka dhabta ah ee lugu qabtay cashuurtood.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isku afgartay xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga dhanka hormarka mashaariicda iyo dadaalada kor u qaadista adeegyada assaasiga ah ee bulshadu u baahantahay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland