Yaa leh dhaliisha Maxaabiista ka baxsatay Xabsiga argagixisada Ee Mudug?

Darbi aan laga filayn ayay jabsadeen Maxaabiistan argagixisada ah ee Gaalkacyo lagu hayo.

6-ayaa booday oo fakatay ka hawlgalidii Ciidanku Labo ayay ku qabteen midna cayrsashadii,ayuu ku dhintay.

Sadexdan,ayaa maqan Magaalada oo idilna Ciidanka waa uxiran tahay oo hawlgal dhan walba ah ayay wadaan..

Maxbuus fakaday
Maxbuus fakaday
Maxbuus fakaday

Eeda baxsashada Ciidanku maleh ee waxaa dusha saaranaysa Madaxtooyada Puntland..

1.Maxaabiistan aadbay utira bateen,waana la xukumay in badan oo ka mid ah,waxay ahayd in lagu fuliyo Xukunkoodii,waxaase ay ka daahday dhanka Madaxweynaha.

2.Saldhiga lagu hayo oo aanan ahayn meel qaadi karta Maxaabiis fara badan una diyaarsan Maxaabiis khatartooda leh in lagu hayo.

3.Dayac ka jira Saldhiga loona gudbiyay Madaxweynaha waxkaqabadkeedana uu la daahay.

Ciidanka amaanka Puntland dadaal xoog badan oo naf hurid ah ayay muujiyeen.

Xalka”

1.In Madaxweynuhu saxiixo Xukunada dhacay si loo fuliyo.

2.In Maxaabiista Xukunada dhaadheer ee aan Toogashada ku xukunayn loo wareejiyo Xabsiyada waa weyn ee Gobolada Nugaal iyo Bari.

3.In Saldhiga ay isticmaalaan Ciidamada la dagaalamaya argagixisada ee Mudug dib uhabayn weyn lagu sameeyo.

Ciidanku amaan buu mudan yahay.

Jibril Qoobey.