Laba Qof oo midna ku dhaawacmay midna ku dhintay Gaalkacyo

Cirro Xaaji Cali-yare rabi ha’unaxariisto meel xoogaa buuq ka jiray Askar Dadka kala kaxaynaysay,ayaa mid ka mid ah Xabadi uga dhacday.

Askarigii waa la qabtay,waana la xiray oo la aqoonsaday,iyadoo baaris lagu bilaabay sida wax udhaceen.

Sidoo kale Cilmi Cali Guuleed Agaasimaha hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Gobolka Mudug dhaawac,ayaa soo gaaray,kadib markii meel durugsan laga soo toogtay.

Ciidamada amaanku hawlgal ayay ka fuliyeen Aagii lagu dhaawacay.

Dhanka kale dhacdadii Saldhiga argagixisada lagu hayo ka dhacday Gudi heer Gobol ah iyo mid Dowlada Dhexe oo Garowe laga soo diray ,ayaa gacanta ku haya baarista sida wax udhaceen.

Ciidamo dheeriya,ayaa Saldhiga la geeyay,waxaana la xiray Askar ka mid ahaa kuwii heeganka lahaa xiligii wax dhacayeen.

Gaalkacyo waa degan tahay ,dadaalka Ciidankuna waa sareeyaa.

Jibril Qoobey