MADAXWAYNE XASAN SHIIKH MAXAMUUD OO AY BOOQASHO RASMI AH UGA BILLAABATAY KENYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo booqasho rasmi ah uga billaabatay.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta la kulmi doona dhiggiisa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wadahadalladooda dhinacyada badan taabanaya waxay xoogga ku saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.