Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya oo heshiis wada gaaray

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa war-mrtiyeed wadajir ah kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Wada-hadallada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu maanta Kenya ku tegay casuumad rasmi ah oo uu ku helay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta

Kadib wada-hadallo ay yeesheen ayey labada madaxweyne isku raaceen 11 qodobo oo la xiriira xoojinta xiririkada labada dal.

Qodobadaasi ayaa waxaa ugu weyn in labada madaxweyne ay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay dagaalka ka danka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo guul laga gaaro, waxayna fareen hay’adaha amniga labada dal inay isku xiraan dadaalladooda ku aadan dagaalkan, si loo xaqiijiyo amniga iyo ilaalinta muwaadiniinta labada dal.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada madaxweyne ay isku raaeen in dib loo billaabo duulimaadka shirkadda Kenya Airways ee Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafqsan Heshiiska Adeegga Hawada ee Labada Dal ee loo yaqaan BASA, kaasi oo dib u eegis lagu sameyn doono.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale isku raacay in la fududeeyo sarena loo qaado iskaashiga ganacsi ee labada dal, ayada oo Soomaaliya loo furay inay suuqyada Kenya u dhoofiso kalluunka, halka Kenya ay dib u billaabeyso dhoofinta khaatkii la gayn jiray Soomaaliya, sida ugu dhaqsaha badan.

Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in mas’uuliyiinta wata baasaboorka diblomaasiga iyo kan addeega dadweyne (Service) ee Soomaaliya ay Visa-ha Kenya ku helaan 48 saac gudahood marka ay ka codsadaan online, laguna siiyo garoonka, ayada oo aan wax lacag ah laga qaadin.

Waxay sidoo kale labada madaxweyne hoosta ka xariiqeen in dadka wata baasaboorka shacabka ee Soomaaliya si deg deg ah ay Visa-ha Kenya ku helaan, ayada oo la doorbidiyo in lagu siiyo 10 maalmood gudahood.

Xasan Shiikh iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo furo xuduudda labada dal si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqyada shacabka labada dal loona xoojiyo gacansiga badeecadaha ee ka dhaxeeya labada dal.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale faray guddiga wada-jirka ah ee labada dal ee (JCC) inay ku kulmaan Muqdisho bisha August, si ay uga wada-hadlaan isugna raacaan arrimaha danta ay ugu wadajirto labada, sida dhaq-dhaqqayada amni, waxbarashada, beeraha, ganacsiga, is-dhaafsiga xogta sirdoon, caafimaadka iyo tabararada dhinacyada kala duwan.