Madaxweyne Xasan oo Lugta furay una jihaystay Kenya,Jabuti,Itoobiya iyo Masar

Madaxweyne Xasan saakay cagtuu furay,waxuuna ujihaystay Kenya oo ay uga bilaaban doonto booqasho uu ku marayo Dalal dhawr ah.

Kenya sida la filayo,waxaa jiri doona heshiis ay Labada Dal kala saxiixan doonaan oo dhanka Somaliya ay ku badalanayso fasixida Qaadka arimo ay ka mid yihiin in Kenya hagaajiso Visa bixinta iyo socdaalka.

Madaxweynuhu Kenya kadib,waxuu usocdaali doonaa Jabuti oo uu horay u ogaysiiyay safarkiisii Eretereya si aysan udhibsan,waxaana wararku sheegeen in Madaxweyne Geelle markaas siiyay (Green Light).

Kadib,waxuu ugudbi doonaa Itoobiya oo wal-wal weyn ka qabta xiriirka Dowlada Madaxweyne Xasan iyo Dowlada Masar,si gaar ah Ninka loo dhiibay Sirdoonka Fadaraalka Mahad Salaad.

Madaxweyne Xasan,waxuu Lugta ugu danbaysa ku tegi doonaa Masar sida wararku sheegayaan.

Jibril Qoobey.