Golaha Aqoonyahanka Puntland oo ka hadlay dhacdadii Bosaso

Punt land Intellectual Forum – UK Chapter.
Togetherness We Strong
Taariikh: 14 July 2022.

Dhammaan Shacabka & Bulshada Reer Punt Land meel kasta oo ay joogaan, ( Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba), Golaha Aqoonyahanka Punt Land, Waaxda Dalka Britain, (UK), wuxuu aad iyo aad oga xun yahay, kana tacsiyaynayaa dhacdadii foosha xumayd ee Taariikhdu markay ahayd 11July 2022, ka dhacday Degmada Boosaaso.
Goluhu, wuxuu eebbe u waydiinayaa inuu Samirsiiyo, ogana boogo dhayo Ehelkii iyo kharaabadii ay ka geeryoodeen dhallinyadii ku dhintay dhacdadaas, sidaas iyo si lamid ah, goluhu wuxuu eebbe u waydiinayaa inta ku dhaawacantay inuu caafimaad taam ah siiyo.
Haddaba, Golaha Aqoonyahanka Punt land ee Waaxda UK, markuu’u kuurgalay, soo xuuraamiyay, baaritaan dheer ku sameeyay falkaas foosha xun ee ujeedkiisu ahaa in lagu khal-khal galiyo amniga, nabadda iyo wadajirka shacabka iyo bulshada Punt Land.

Golaha Punt land Intellectual Forum-UK, (PIFUK), wuxuu dhacdadaas u aqoonsaday sidatan hoose.

  1. In Dowladda Federalka Soomaaliya ay iska Indha-tirtay codsigii Dowladda Punt Land ee ku aaddanaa habka loomaryo gurmadka Abaaraha, kaddib markii Guddoomiye Xigeenka Golaha Wakiilada Soomaaliya, Mudane Sacdiyo Samater ay si ogaansho la’aan ahi ku timid magaalada Garoowe, Taarikhdu markay ahayd 23 Juun 2022, ogaansho la’aantaasi kaddib, waxaa lagu wargashay Guddoomiye Sacdiyo iyo DFS in Dowladda Punt Land ay caddahay siyaasaddeeda Gurmadka abaaraha, loona marayo tubka dowliga ah, wixii la xariira gurmadka abaaraha..
  2. Guddoomiye Sacdiyo Samater, oo ka tirsan Xisbiga UPD ee Madaxwaynaha DFS Guddoomiyaha u yahay, Mudane Hassan Sheikh Maxamuud, waxay Xisbi ahaan iyo Siyaasad ahaan, iyadoo matalaysa DFS si ula kac ah markale u baalmartay, habraaca Dowladda Punt Land ee gurmadka abaaraha , waxayna sabab u noqotay in dad badan ay ku nafwaayaan baalmarka habraaca dowliga ah, iyadoo mar kale aan ku soo wargalin Imaanshaheeda Bosaso Dowladda Puntland
  3. Xisbiga UPD guud ahaan, iyo Guddoomiyaha Xisbiga UPD, oo ah Madaxwaynaha DFS, illaa iyo hadda kama aysan tacsiyayn, mana cambaarayn falkaas foosha xun ee ay gaysatay xubin katirsan xisbiga UPD.
  4. DFS waxaa lagu wargashay Taariikhdu markay ahayd 25 Juun 2022, in Dowladda Punt Land ay qaban doonto shirwayn looga tashanayo gurmadka abaaraha, taariikh 14 July 2022, shirkaasi oo lagu martiqaaday DFS iyo Ergaygayga Gurmadka abaaraha ee Madaxwaynaha iyo dhammaan hay’adaha ay khussayso gurmadka abaaraha.
  5. Dowladda Federalka Soomaaliya, iyadoo ogsoon, in shirka gurmadka abaaraha – laqabanyo, ayay si ula kac ah oo aan tashi lahayn u baalmartay maamulka iyo hay’adaha Dowliga ah ee Punt land, siyaasaddaasi qar iska tuurka iyo Indha la’aanta ku dhissan waxay keentay barakac, bur-bur hanti maamul iyo shacab oo dhimasho & dhaawac intaba leh.

Haddaba, Golaha Aqoonyahanka Punt Land UK, wuxuu si cad oo mug wayn leh u caddaynayaa..

I. In Madaxwaynaha Dowladda Federalka Soomaaliya uu mas’uul ka yahay dhibtii ka dhacday Bosaso Taariikh 11 July 2022.

II. II. In Xisbiga UPD oo ay ka tirsan tahay Guddoomiye K/Xigeenka Golaha shacabka Soomaaliya ay u xilsaareen mudane Sacdiyo samater inay fuliso siyaasaddaasi gurracan maadaama deegaan doorashadeedu tahay Punt land.

III. III. In Xisbiga iyo Guddoomiyaha Xisbiga UPD, ahna Madaxwaynaha DFS ay ka go’an tahay hagardaamada shacabka iyo dowladnimada Puntland.

IV. Xisbiga UPD iyo Guddoomiyahiisa, ahna Madaxwaynaha DFS xilligan, Madaxwayne Hassan Shiikh Maxamuud, wuxuu qayb wayn oo muuqata ka ahaa, soona abaabulay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 28 November 2015, dagaalkaas oo abuuray bur-bur iyo barakac aan lasoo koobi karin oo gaaray bulshada kunool degmada Gaalkacyo.

V. Sidaasi si lamid ah, Madaxwayne Hassan Shiikh Maxamuud & Hay’adda sirdoonka Soomaaliya waxay si ku talagal ah u curyaamiyeen xog iswaydaarsiga hay’adaha amniga Taariikhdu markii ay ahayd 16 March 2016 – 17 march 2016. Xukuumaddii uu markaasi madaxwayne Hassan hoggaaminayay waxay diiday macluumaadka la xariira Weerarkii Shabaab ee degmooyinka (AYL, Garacad, Suuj iyo Garmaal).

VI. Sidaasi si lamid ah, Taariikh 21 August 2016 waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay qarax aad u wayn oo dad badani ku nafwaayeen, DFS waxay mar kale ku guul daraysatay inay hay’adaha sirdoonka dalka wada shaqayn yeeyshan si looga hortago weerarada ismiidaaminta ah ee lagu baabi’inayo shacabka.

VII. Markale, Taariikhdu markii ay ahayd 07 Oktoobar 2016, waxay DFS oo Madaxwayne Hassan uu hoggaaminayay mar kale dib usoo abaabushay, Weerar iyo Dagaal ka dhan ah Shacabka iyo Dowladda Puntland, dagaalkaasi waxaa lgu soo qaaday magaalada Gaalkacyo, waxaana mar kale lagu barakiciyay shacabkii ku dhaqnaa deegaankaas.

Haddaba, Iyadoo la’is xassuusinayo dhacdooyinka uu ku taariikhaysan yahay Madaxwayne Hassan Shiikh Maxamuud, Muddadii uu xilka dalka horay usoo qabtay, hagardaamooyinkii uu ‘u gaystay shacabka iyo Dowladda Punt Land, waxay caddayn u tahay in dagaalkiii Bosaso Air Port ay mas’uul ka tahay DFS iyo Madaxwayne Hassan Shiikh Taariikh 11 July 2022.

Haddaba, Golaha Aqoon Yahanka Punt Land ee UK ( PIFUK), wuxuu talo kusoo jeedinayaa talooyinkan hoose.

A. In Dowladda Punt Land ay Gal-dacwadeed ka furto dhibtii ka dhacday Bosaso.

B. In DFS Magdhow & Baxnaanin ka bixiso dhibaatada ay ka abaabushay Bosaso.
C. In Madaxwaynaha DFS & Raysal Wasaarahaba ka hadlaan, kana tacsiyeeyaan dhibaatada Bosaso ka dhacday; (FG), Aamusnaanta Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha ee dhacdada Bosaso waxay ka turjumaysaa inay qayb ka tahay DFS dagaalka Bosaso ka dhacay, abaabulkeedana ay lahayd.

D. In Xeer Ilaaliyaha guud ee Dowladda Punt Land dacwad kabbilaabo G/X Golaha Wakiilada si degdeg ah ugu gudbiyo Xeer Ilaaliyaha DFS.

E. Sida uu qabo Dastuurka FS, Guddoomiye Xigeen Sacdiyo, waxay Qatar galisay amniga Punt land, sidaas darted waa in dacwadeeda si degdeg ah looga howl galo, waxayna waayidoontaa xassaanadda ay ku tahay Xildhibaanka, waana in lagala xisaabtamaa doorkii ay ku lahayd khattar galinta amniga degmada Bosaso iyo dhimashii iyo dhaawicii soo gaaray shacabka iyo Ciidanka Punt land.

F. Umadda Reer Punt land waxay waayo arag u tahay siyaasadda Xisbiga UPD iyo Madaxwayne Hassan Sheikh, sidaas darteed waa muqadis in isku meel looga soo wada jeesto Xisbiga UPD iyo Hassan Sheikh Maxamuud, iyadoo la ilaalinayo jiritaanka Dowladnimada Punt Land iyo shacabkeeda.

Ugu dambayn, PIFUK waxay ka dalbaysaa dhamman Punt Land Diaspora World Wide chapters inay u kacaan midnimadooda, kana hortagaan hagardaamooyinka Hassan Sheikh iyo UPD.

Mahadsanidin.

Punt Land Intellectual Forum UK Chapter.

E-Mail: puntlandintelfuk@gmail.com