Madaxweyne Deni oo la kulmay Gudiga Nabadaynta Saaxa-maygaag

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cadullaahi Deni,ayaa maanta warbixin ka dhegaystay Guddiga nabadaynta deegaanka Saax-maygaag.

Shirka waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Puntland, Guddoomiyeyaasha gobolada Sool iyo Nugaal.