Ogaysiis ka yimid Wasaarada Waxbarashada Puntland

………Ogeysiis ………. Ogeysiis …….. Ogeysiis………
Sida la wada ogsoonyahay, waxaa la taagan yahay wakhtigii diiwaangelinta ilmaha gaaray da’da waxbarashada 2022-23.

Haddaba, waxaa dhammaan la ogeysiinayaa waaliddiinta gobollada Puntland in ilmahooda gaaray da’da waxbarashada oo u dhexeeya 6 jir ilaa 7 jir ay geeyaan goobahaha waxbarashada ugu dhow kana diiwaangaliyaan dugsiyda waxbarashada tooska ah, si loo soo saaro jiil aqoon leh, arday dadkiisa iyo dalkiisa wax u bartay iyo si looga baxo aqoondarrida iyo saboolnimada.

Waxay kaloo Wasaaradda Waxbarashadu ogeysiinaysaa soo xaraynta dhammaan ardayda loox tuurka ah iyo in la keeno goobaha waxbarashada iyaga iyo ardaydii ay saameeyeen abaaruhu.

Qorshaha 2022 ayaa waxaa lagu saleeyay baahida dhabta ah ee ka jirta dhanka waxbarashada, waxaana looga gol-leeyahay in la soo saaro muwaaddiniin ku gaashaaman aqoon, karti iyo anshax-wanaag ku sidkan muwaaddinnimo iyo aragti wanaagsan.

Si loo xaqiijiyo hiigsiga ama yoolka waxbarashada Puntland, waxaa lagamamaarmaan ah in heer gobol, heer degmo ilaa heer dugsi gacmaha la-is-qabsado oo dadka waxbarashada ka haray waqti kale la siiyo. Taasina waxa ay u baahantahay dadaal dheeraad ah oo ay la timaaddo bahda waxbarashadu, si aynu ugasoo baxno kaalinta inagaga aaddan hirgelinta qorshaha dalka iyo kan deegaanka labadaba.

Haddaba, Guddoomiyeyaasha Waxbarashada iyo degmooyinkuba, iyaga oo kaashanaya shaqaalahooda iyo khibradaha ay haystaan, waa in ay dadkaa soo diiwaangeliyaan inta sannad-dugsiyeedka ka dhiman.

“Jiil aqoon lagu barbaarshaa, bulshadu saboolnimo kaga baxdaa.”