Video:-Su’aalihii ugu mudnaa Ee la waydiiyo Wasiirka Caafimaadka Puntland

Su’aashii ugu mudnayd Su’aalaha Baarlamaanka uu waydiiyay saakay Wasiirka Caafimaadka Puntland ayay ahayd mida xatooyada Dawada iyo Agabka kale ee Isbitaalada.

Waa Wasaarada kaliya ee uxiran koox isfahansan oo wax wada cunta kana samaysay Hanti fara badan lunsashada Dawada,Agabka kale iyo dhaqaalaha Wasaarada.

Wasiirka yimaadaa,waxuu lahayste unoqdaa iyaga oo waxay si cad ugu sheegaan in Qaybtiisa banaankaas uu ka qaato.

Waa meesha uu kasoo baxay Wasiirka maaliyada kana abuuray dhaqaalaha uu ku noqday Wasiirka ilaa iyo hadana qayb,ayuu kasii yahay qorshaha xatooyo ee socda.

Agaasimaha guud,waxuu Oday uyahay kooxda haysata Wasaarada,waana Nin ku dhex koray oo ka sameeyay hanti iskugu jirta Dhul,Guryo,Gaadiid iyo isbitaal ugaar ah oo laga helo Dawo ka jaban kana qiimo badan mida Farmashiyaasha kale.

Dowlada Deni ee hada talisa,waxay ka mid ahaayeen kooxdaas Wasaarada Caafimaadka haysata maalgashadayaashii,waana lagu ilaaliyaa halkooda.

Halkan ka daawo muuqaalka