Xasan yaan laga yeelin in uu kufsado cadka Daarood?

Xasan Shiikh,waxuu ku yiri Haldoor kasoo jeeda reer Puntland oo uu kula kulmay Nayrobi…

“Deni iyo Aniga mad-madow,ayaa naga dhex jira oo RW,ayuu rabey Ana masiin karin oo waxuu ahaa Nin Madaxweyne igula tartamay oo qorshihiisa iyo aragtidiisa wata ee halaygala hadlo”.

Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri markale Madaxweyne Xasan…

“Puntland markaan hada kasoo laabto booqashooyinka dibada,ayaan toos utagayaa,waxaan rabaa wada shaqayn buuxda,waxaana balan qaadayaa in ay reer PL ka heli doonaan Dowladayda Cad weyn G.Wasiirada iyo qaybaha kale ee Xukuumada”.

Hadaba haldoorkaas uu Odaygu suba salaaxday,waxaa laga rabaa in aysan ku deg-degin la hadalka Deni.

Xasan haduu rabo sidii uu balanta ku qaaday Somali heshiis ah ha ilaaliyo Dastuurka hana siiyo fursadiisa Ra’isalwasaaraha.

Dowladnimada Somaliya waa awood qaybsi Beeleed RW,waxuu ku joogaa matalaad,sidaa daraadeed magac uyaal in loo arko lama qaadan karo.

Si waadixa markii hadalka loo yiraahdo (Hawiye laabta ha u siidaayo Dalka Daarood buu idin kala dhaxeeyaa).

Xasan ha isku arko Madaxweyne Somaliyed oo haka soo gudbo xayndaabkii USC iyo Madaxtooyada yaa ka maqan oo Hawiye ah!

Aragtida Xamar taala waa shacab Hawiye ah oo sokeeye iyo shisheeyaba aysan ka maqnayn iyo hogaamiye Hawiyaysan.

Daarood waa qirsan yahay doorka Hawiye ee Dowladnimada Somaliya,Cadkoodana halkaasuu ka yaalaa,waxaana kuu xaqiijin kara ka hor imaadkii Farmaajo Daarood uga hor yimid markuu damcay in uu xaqiro dibna usoo celiyo wax laga soo gudbay.

Reer Puntland qaadan mahayaan quursi awoodeed oo lagu badasho nacfi iyo suba salaax.

120-ka maalmood ee Deni uqabtay in la eego sida ra’isalwasaaruhu uxagsado awoodiisa Dastuuriga ah halagu garabsiiyo.

Jibril Qoobey.