Caleentii Siyaasadeed Ee Axmed Madoobe miyaa Cirka kasoo dhacday?

Waxaad moodaa in Madaxweyne Axmed caleentiisii Siyaasadu Cirka kasoo dhacday.

Hadalkaas iskama oran ee waxaan ku fariisinayaa Afar xog oo aan hayo…..

Xogta 1-aad”

Kenya waxay ka niyad jabtay horumar la’aantiisa dhanka amaanka iyo Siyaasada.

Waxa kaliya ee Axmed Maanta xoogaa taageero ah uu ka haysto waa Talyayaasha Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan,kuwaasoo dhaqaale gaar ah uu uqoondeeyay.

Kenya waxay ku doodaysaa qorshihii aan Madaxweynanimada Axmed Madoobe ugarabsiinaynay waxay ahayd laba Qodob oo kala ah…

B.Amaanka Kenya,gaar ahaan Xuduuda,iyadiina weli sidii ayay khatar ugu jirtaa oo Gaarisa cabsi argagixiso,ayaa lagu seexdaa.

T.Saamayn in uu ku yeesho siyaasada gudaha ee Somaliya oo go’aamada ka dhanka ah Kenya in uu ka hortago,iyadana waa ku fashilmay oo saamayn waa yeelan waayay.

Haatan Kenya waxay ka fakaraysaa cidii ay wax la qabsan lahayd oo ay uga guuri lahayd Axmed Madoobe doorashadooda kadib.

Xogta 2-Aad”

Puntland si weyn,ayaa loogaga fogaaday dhabar jabin la xaqiijiyay oo uu ku sameeyay Deni oo si weyn u aaminay.

4-milyan oo dolar oo isagu toos uga qaatay Deni iyo 10-milyan oo lagu soo saaray Xildhibaanada,waxa laga faa’iday 20-Xildhibaan.

50-kii Xildhibaan ee Jubaland kasoo baxay Axmed si cad,ayuu ugu kala qaybiyay Xasan iyo Deni min 25-Xildhibaan.

Kaaga sii daranoo 25-kii Deni loo qoondeeyay 5-ayaa kasii aaday Khayre.

Xamsaha haatan ra’isalwasaaraha ah,waxuu ku fadhiyaa booska Xildhibaanka 150-kun oo dolar oo Deni sii gaar gaar ah ubixiyay.

Intaas,waxaa dheer 3-dii sano ee ugu danbaysay Puntland waxay kabaysay Miisaaniyada Jubaland ku shaqaynaysay iyo weliba safarada Madaxweyne Axmed.

Deni oo kusoo mari lahaa Socod Nayrobi,waxuu uga baaqday Axmed oo markaas joogay si uusan ula kulmin.

Sidoo kale Ilo muhiim ah,waxay ii xaqiijiyeen in Axmed Madoobe in ka badan 20-jeer Deni wacay oo uu ka qaban waayay Taleefoonka.

14-milyan oo dolar iyo 15-sano oo Abaal Siyaasadeed ah Axmed waxuu uga tagey cidlo,waxuuna dhabarka ka toogtay Madaxweynihii Puntland.

Xogta 3-Aad?

Waa Dowlada Fadaraalka oo ay ka go’an tahay in isbadal ka dhaco Kismaayo Axmedna tago.

Axmed waxuu damcay shalay in uu soo aado Nayrobi si uu ula kulmo Madaxweyne Xasan,balse waa la daahiyay oo Maantaa la fasaxay.

Kenya iyo Xasan,ayaa isla qaatay daahintaas.

Xasan,waxuu Axmed durba uga baxay laba balamood oo kala ahaa.

B.In Wasiirka Amniga JL oo kasoo jeeda Gedo laga dhigo Talyaha Ciidamada Xooga ee Fadaraalka si uu Axmed Madoobe uga caawiyo arinka Gedo.

T.In qorshaha la dagaalanka argagixisada looga faa’ideeyo JL si looga xoreeyo Alshabaab Gobolka Jubada Dhexe iyo caasimada Dastuuriga ah ee Bu’aale.

Si cad ayay usheegayaan La taliyayaasha Xasan in Axmed oo sii jooga Kismaayo ay ceeb iyo cay ku tahay damiirka Qofka Somaliga ah.

Xogta 4-Aad??

Waa Reer Gedo oo isku afgashtay Axmed oo taga mooyee in aysan wax wada hadal ah gelin.

Aragtidaas,waxaa qaba xataa Siyaasiyiinta Axmed Madoobe Kismaayo la jooga,iyadoo tusaale loosoo qaadan karo baajinta Maxamuud Sayid laga joojiyay in uu Muqdisho usoo safro.

Xildhibaanadii kasoo baxay Ceel-waaq ee reer Gedo shir ay uqabteen Waxgarad,Siyaasiyiin iyo Ganacsato waxay usheegeen in aysan Axmed ku xirnayn ee ay utaagan yihiin qadiyada reer Gedo waxa kaliya ee marana ay tahay…’Axmed oo xaqiijiya in uusan mar danbe isa soo sharaxayn doorashadana xiligeeda ku qabta”.

Sidoo kale Dowlada Fadaraalku waxay abaabushay Cabdirashiid Janan iyo Barre Hiiraale si ay ugala wareegaan Gobolka Gedo masuuliyiintii horay ugu xirnaa F&F.

Dhanka kale Axmed,waxuu qorshaynayaa in uu samaysto mudo kororsi Todobaadyada soo socda,taasoo dhalin doonta qarax weyn oo siyaasadeed.

Su’aashu waxay tahay mala hayaa mise lagu midaysan yahay hogaamiyihii Axmed badali lahaa ee lagu aamini lahaa Jubaland-ta nugul?

Jibril Qoobey.