Alshabaab oo Weerar ku ekeeyay Yeed oo ka tirsan Deegaanka Somalida Itoobiya

In ka dhow 200-Askari iyo Talyihii haystay oo Ciidamada gaarka ah DDSI ee Liyuu Booliska oo fadhigoodu ahaa Yeed ayay argagixisadu Cagta marisay.

Waxay gubeen Gawaaridii Ciidanka iyo Xeradoodii ku taalay Yeed.

Sidoo kale Ciidamo gurmad ahaa oo isla Liyuu Booliska ah ayay dhexda ugaleen oo dagaal kharaar kala hortageen,kaasoo socda ilaa iyo hada.

Arimaha yaabka leh!!

Waxaa la yaab leh sida ay ku dhacday in argagixisadu ku dhiirado in ay weeraraan Yeed dhanka Itoobiya.!

Sidoo kale in ay dhexda ugalaan gurmadkii ka yimid gudaha Kilinka waa wax la yaab leh.!

Su’aalaha iswaydiinta mudan??

See Sirdoonka Kilinku ku ogaan waayay dhaqdhaqaaqa argagixisada intaa le’eg??

Sidee ku suurowday Maleeshiyo argagixisada ah oo awood intaa gaaraysa leh in ay usoo gudbaan gudaha Kilinka?

Sidee gurmad ugu imaan waayay ilaa iyo hada Labada Ciidan ee dagaalku qabsaday ??

Sidee Hubkii cuslaa looga qaaday Yeed oo loo geeyay Jig-jiga kal hore??

Yaa bixiyay amarka Hub qaadistaas waa su’aal meesha ku jirta?

Dhacdadan baaris weyn ayay ubaahan tahay??

Madaxweyne Mustafe far baa ku godan???

Jibril Qoobey.