La xisaabtankii W.Maaliyada Puntland oo fashil ku dhamaaday

Waxay noqdeen mid Xanuun sheegta,mid su’aal jilicsan oo jawaabteeda lasii diyaariyay lasoo shir taga.

Wasiirka Maaliyada habeen hore,ayuu xiriir la sameeyay Xildhibaanada oo 24-kii ugu cad-cadaa min 3000 oo dolar ukala diray.

Cawil Daad oo isa soo qadimi jiray,waxuu fariistay Baarlamaanka raartiisa gadaale si uu ugu gabado.

Dhaashane su’aal jilicsan,ayuu lasoo shir tagey oo jawaabteeda qish ahaan usii haysto Wasiirka Maaliyada,taasoo ahayd Horumarka kasoo socda Shiinaha iyo Finland see noosoo gaarayaa?

22-kii kale waxay noqdeen,wax xanuunsaday iyo wax Makarafoonada ka fogaaday.

Gudoomiyihii Baarlamaanka oo ka ciilqabay maalmahan Lacag la siiyay M.xigeenka markii la dhex-dhexaadiyay isaga iyo Deni,ayaa lasoo booday maxaad iiga tagtay Aniga!!

Meeshu waa Afrika la yaab maleh musuqu,waxaase muhiim noo ah in ay Gaangiistaradu heshiiyaan si Dalka iyo Dowladu uhelaan deganaan.

Jibril Qoobey.