Muxuu ka dhigan yahay xariga Ilhaan Cumar?

Xarigga la xiro masuul ka tirsan Congress-ka Maraykanka waa mid ka duwan ciqaabta xarigga lagu ciqaabo shacabka danbiilayaasha ah.

Tusaale, qodobka aysan raali ka ahayn Gollaha Shacabka ama Congress-ka, ee ay go’aan ka gaarto maxkamadda sare ee dalka xildhibaanada Congress-ka waxay jabiyeen calaamadda lama dhaafaanka ah ee maxkamadda horteeda si ay u qanciyaan shacabka qaba fikirkaas.

Waxaana la hayaa muddo aan badneyn, iyadoo la ganaaxayo lacag gaaraysa $50 kaddib-na xorriyaddiisa la siinayo.

Maxkammadda sare ee dalka Maraykanka ayaa 24-tii bishii June ee 2022 mamnuucday in haweenku uurka leh iska soo tuuri karaan Ilmaha.

Halka dhinaca kale bannaan baxayaashu ay ka soo horjeedan go’aanka Maxkamadda Sare, iyaga oo ku doodaya in haweenka loo ogolaado xuquuqda ah inay carruurta iska soo tuuri karaan.

Masuuliyiinta maanta la xiray ee ay ka mid ahayd Congresswoman Ilhan Omar ayaan ahayn sida xarigga caadiga ah, balse ay ka mid tahay qancinta shacabkeeda.