Wasaarada Warfaafinta oo hortagtay Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska DPL Maxamuud Caydiid Dirir oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska DPL ayaa Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad, 14-aad, 22-aad iyo Xeerka Dalxiiska Puntland oo soo baxay 2021, Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo soo baxay 2020, Xeerka Ilaalinta Afka Soomaaliga oo soo baxay 2020, Xeerka Warbaahinta Puntland oo soo baxay 2014.

Sidoo kale, Xisaabtanka Wasaaradda ayaa loo maray Xeerka Akaadeemiyada Puntland ee Hiddaha iyo Dhaqanka oo soo baxay 2007 sida ku cad Qodobka 2aad ee Xeerkaas, Akaadeemiyada Puntland ee Hiddaha iyo Dhaqanku waa Hay’ad madax bannaan oo lagu dhisay xeer Madaxweyne LR 129 ee 15-08-2005.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland