Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqadho ku tagay Kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo ay wehelinayeen wafti ka socda Wasaaaradda ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Kismaayo xarunta KMG Juballand.

Wasiirka iyo waftigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Mudane Mohamed Ibraahim Oogle Wasiirka Caafimaadka Juballand.

Hadal kooban oo labada wasiir ay warbaahinta siiyeen ayay ku sheegeen :-

Mohamed Ibaarahim Oogle oo ugu horayn hadalka qaatay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Kismaayo ku soo dhaweeyo wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo booqasho qaadanaysa saddex maalmoood ku yimid Juballand, muhiimada booqashada ay tahay inaan is xog waraysano wax kala faa’iidaysano wasaaradda caafimaadka Puntland iyo wasaaradda caafimaadka Juballand waxaa ka dhaxaysa wada shaqayn xoogan oo dhan deegaanka iyo dadka ah, waxaan rajaynayaa maalmaha uu wasiirku joogo Juballand inaan wada booqan doono Cisbitaalada iyo xarumaha caafimaadka Juballand.”

Dr Jamac Farax Xassan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo dhankiisa hadalka qaatay aya yiri:-

“Wasiirka caafimaadka Juballand iyo wasiirada kale ee halkaan igu soo dhaweeyay aad ayaan uga mahadcelinayaa, waa maalin muhiim ii ah farxadna ii leh, inaan maanta soo gaaro magaalada Kismaayo ee caasimada KMG JP, waxaan u nimid aniga iyo waftigayga inaan khibrad iyo aqoon aan is waydaarsano, waxaa safarka igu wehelinaya agaasimaha qorshaynta oo isaguna dhankiisa khibradiisa iyo waaya aragnimadiisa la wadaagi doona, aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinayaa dhamaantiin soo dhawayntiina.”

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.