Xasan oo ka fakaraya in Ciidanka Eretereya jooga qayb Imaaraadka laga shaqo geliyo

Madaxweyne Xasan oo ka fakaraya in Ciidamada Eretereya jooga 3000 oo ka mid ah shaqo laga siiyo Imaaraadka.

110-milyan oo dolar ayay uxaniman yihiin Ciidamada Eretereya.

30-Milyan oo dolar Qatar,ayaa hormaris usii bixisay oo qayb ka ah Lacagtaas.

80-kii Milyan ee haray ilaa iyo hada Dowlad ka bixisa Somaliya lama hayo,iyadana haba sheegin xataa Milyan ma awoodo.

Askari walba,waxuu kaloo hada ubaahan yahay 2000 oo dolar oo lagu qalabeeyo.

Dalka kama jirto hal Xero oo Ciidan intaas le’eg la dajin karo ama uqalanta Xero Ciidan.

Sidoo kale Askari kasta,waxuu ubaahan yahay ugu yaraan 200 oo dolar oo Mushahaar ah iyo 100 dolar oo Raashin iyo Dawo ah.

Waxaas oo dhan,waxaa kasii daran qorshe lagu maareeyo oo ay ku hawlgalaan looma hayo oo Ciidamadan waa kuwo Nin si gaar ah udiyaarsaday oo aysan udhamayn Dowlad Goboleedyadu laguna soo xulin heshiiskii Amniga.

Dowlada Somaliya waxay la daalaa dhacaysaa 25-kun oo Mileteri ah iyo 11-kun oo Boolis ah oo hada ku jira miisaaniyadeeda.

Ma fursan doonto in dhalinyaradaas dib looga fasaxo Ciidamada ama lagu wareejiyo Imaaraadka si uu shaqo usiiyo.

Jibril Qoobey.