Maleeshiyada Alshabaab oo gaaray Xuduuda Oromada

Qooxle,Godgod,Hargelle iyo Ceelkari oo ku taal xadka ugu danbeeyo ee Gobalka Afdheer ee xiga dhanka Oramada ayay gaareen Maleeshiyada soo gudubtay.

17-Gaari iyo Labo Mooto Gacan oo sahanka ah ayay ku hubaysan yihiin Maleeshiyada argagixisada.

Ugu yaraan 350 Maleeshiyo ah in ay gaarayaan ayay sheegayaan Ilaha Wardoon.

Hadafkoodu waa in ay Caawa galaan Deegaamada Oromada.

Waxaa laga hagayaa Maleeshiyadan argagixisada ah gudaha Deegaanka Somalida Itoobiya,gaar ahaan Hargeelle iyo Jigjiga.

Sidoo kale,waxaa hogaaminaya Nin udhashay Beesha Cawlyahan ee Ogaden.

Sahanka Mootooyinka watana waa Rag isla Beesha Cawlyahan ah oo aad ukala yaqaan Wadooyinka,waxaana la ii xaqiijiyay Wadiiqooyinka ay mariyeen Maleeshiyada aysan mari karin Ciidamada Deegaanka ee Liyuu Booliska.

Hogaamiyaha Maleeshiyadan Magaciisa iyo Sawirkiisana waa idinla wadaagi doonaa.

Wararka hordhaca ah ee imaanaya waxay tilmaamayaan in Madaxweyne Mustafe wax badan kala socda hawlgalkan.

Jibril Qoobey.