Halkee marayaa Dagaalkii Alshabaab iyo Ciidamada Liyuu?

Dagaalkii DDSI ee Alshabaab iyo Ciidanka Liyuu wuu socdaa,waxuuna kasocdaa gudaha Gobolka Afdheer degmada Ceelgari,sida ilo madax banaan xaqiijinayaan.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo ku dhow labo cisho weli ma cada.

Laamaha amniga ee Dowlada Deegaanka,ayaa sheegay in xoogagga taabacsan Al-shabaab lagu hereereyay aagga Huluul ee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer.

Sidoo kake Laamaha ammaanka DDSI,ayaa sheegay in ilaa gabal-dhicii shalay uu socday dagaalka, 16-Gaadiid oo ay wateena ay ka carareen marka laga reebo toddoba Gaari oo ay gubeen.

Alshabaab maanta kama aysan hadlin dagaalka,balse waxay Shalay soo bandhigeen khasaare balaaran oo ay gaarsiiyeen Ciidamada Booliska Deegaanka Somalida Itoobiya oo iskugu jira Dhimasho,Dhaawac,Gaadiid ay ugubeen,Saadkii Ciidanka oo ay qabsadeen iyo Xeryihii oo ay gubeen.